
Madaxweyne William Ruto ayaa daliil cad u soo qaatay in garsoorka dalka Kenya ay maxkamad soo taageen ragii ka dambeeyay weeraradii lagu qaaday Jaamacadda Garissa iyo DusitD2 ayna Dowladdiisa u baahan tahay in lagala shaqeeyo dagaalka Kooxaha Argagexisada.
Waxa uu xusay in maalgelinta, fududeynta iyo fulinta weerarrada ka imaanaya Kooxda Al-shabaab ay yihiin kuwo xad dhaaf ah, sidaas darteedna loo baahan yahay in Sirdoonka caalamiga ah ay iska kaashadaan baadigoobka iyo burburinta maalgeliyayaasha argagixisada.
“Tusaale ahaan, intii uu socday weerarkii Dusit, maalgelinta waxaa laga helay bangi ku yaalla Koonfur Afrika, iyo sidoo kale bangiyada kala duwan ee Kenya iyo Soomaaliya,” ayuu yiri Ruto.
Isagoo ka hadlayay magaalada Mombasa shirweynaha 23-aad ee madaxda hay’adaha dacwad oogayaasha, ayaa Madaxweyne William Ruto uu ka digay in argagixsadu yihiin mid ka mid ah noocyada ugu khatarsan ee dambiyada abaabulan ee ka gudba xuduudaha waxaana ay khatar ku yihiin amniga qaranka.
Ugu dambeeyntii, waxa uu Madaxweyne William Ruto uu shaaca ka qaaday in Dowladiisa ay mar waliba diyaar u tahay inay sii wado dagaalka ay kula jirto kooxaha argagexisada sida Al-shabaab, waxaana uu laamaha amaanka Kenya ku ammaanay dhowr jeer ay ka hortageen weeraro uga yimid Kooxdaasi.