12.2 C
London
Thursday, October 16, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xilalkii ka qaaday Guddoomiyeyaal Degmo kuwa cusubna magacaabay

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Khamiis, Juun 12, 2025 (HOL) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xalay xilalkii ka qaaday Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Dharkeenleey iyo Waaberi iyadoona la magacaabay kuwa cusub oo bedalaya.

Duqa Muqdisho Muungaab ayaa u magacaabay Cumar Meeyre Mocoow, Guddoomiyaha Degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir, Waxaana xilkii Guddoomiyaha Degmadaasi laga qaaday Maxamuud Xaaji Cali Fiidoow.

Sidoo kale Guddoomiye Muungaab ayaa u magacaabay Xuseen Xasan Maxamuud, Guddoomiyaha Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, Waxaana xilkii Guddoomiyaha Degmadaasi laga qaaday Maxamed Sayid Cali.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kula dardaarmay Guddoomiyeyaasha cusub in ay mudnaan siiyaan harumarinta Degmada, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga. 

Waa shaqadii ugu horeeysay ee uu sameeyay Guddoomiye Muungaab oo kaliya 2 maalmood fadhiyay Xafiiska tan iyo markii uu la wareegay xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana suurtagal ah in maalmaha soo socda uu sidoo kale isbadal ku sameeyo Maamulo kale oo Degmooyinka Gobolka Banaadir ah.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).