14 C
London
Monday, October 20, 2025

Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo howlgal qorsheysnaa ka fuliyay Galgaduud

- Advertisement -spot_imgspot_img
Axad, Juun 1, 2025 (HOL) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysnaa oo Xalay ciidanka Daraawiishta maamulka Galmudug oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ka fuliyeen duuleedka deegaanka Ceel la helay ee gobolka Galgaduud.

Howlgalka ayaa yimid kadib markii ciidanka iskaashanaya ay ka war heleen abaabul xoogan oo xubno ka tirsan Al-shabaab ka wadeen duuleedka Ceel la helay oo kooxdu fariisimo ka sameysatay mudooyinkii dambe.

Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya ciidamada huwanta ah weerarka ay ku qaadeen kooxda ku gaarsiiyeen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, hayeeshee weli lama helin tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee gaaray Al-shabaab.

Sidoo kale ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka saraakiisha ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo hoggaanka ciidanka deegaanka oo ku saabsan  khasaaraha ka dhashay howlgalka ka dhacay duuleed Ceel la helay. 

Weerarkaan aayaa kusoo aadaya, iyadoo todobaadyadii lasoo dhaafay ciidanka difaaca deegaanka ay dhaqdhaqaaqyo xoogan ka wadeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Galgaduud si ay kooxda Al-shabaab uga xureeyeen deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Galgaduud, gaar ahaan bariga gobolkaas.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).