Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in iska horimaad ka dhacay halkaasi uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah. Ciidamada Puntland ayaa la sheegay in ay halkaas tageen si ay u hor istaagaan shir aayo ka tashi ah oo lagu waday inuu ka dhaco deegaanka Ceelbuh.
Sida la fahamsan yahay, Puntland waxay ciidamo u dirtay deegaankaas si ay uga hortagto siyaasiyiin xiriir la leh dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasoo lagu eedeeyay inay wadaan dadaallo lagu doonayo in gobolka Sanaag lagu daro maamulka SSC Khaatumo.
Waxaa jira cabsi xooggan oo laga qabo in dagaal toos ah uu ka dhex qarxo labada ciidan ee halkaas ku sugan, iyadoo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, uu goobta ku sugan yahay.
Cabdirashiid ayaa kamid ah siyaasiyiinta hormuudka ka ah ololaha lagu doonayo in Sanaag qayb ka noqoto maamulka SSC Khaatumo.
Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa dhawaan ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay faragelin siyaasadeed iyo qalalaase ka wado gobolka Sanaag, iyagoo adeegsanaya siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka.