Qaraarkan oo kasoo baxay fadhiga 56-aad, kalfadhigiisa 24-aad, ayaa Golaha Wakiilladu ku eedeeyeen Dowladda Federaalka inay mas’uul ka tahay qalalaasaha iyo xasilooni darrada ka jirta deegaanadaas. Waxa lagu sheegay in dowladda dhexe ay si ula kac ah u hurinayso colaado qabyaaladeed iyo siyaasadeed, taasoo waxyeello ku ah nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada deegaanka SSC.
Goluhu wuxuu sidoo kale si gaar ah u cambaareeyay weerarkii ay Dowladda Federaalka ku qaaday Gobolka Gedo ee Jubbaland, isagoo sheegay in ay tahay duullaan sharci-darro ah oo halis gelinaya midnimada shacabka deegaankaas. Waxayna tacsi u direen shacabka waxyeelladu kasoo gaartay weerarkaasi.
Baarlamaanka Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in xaaladda amni ee ka sii daraysa gobollada dhexe ay u baahan tahay iskaashi dhab ah oo dhex mara Galmudug, Hirshabeelle iyo dowladda dhexe, si looga hortago halista Al-Shabaab.
Sidoo kale, Golaha Wakiillada Puntland ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay si buuxda u garab istaagto dowladda Soomaaliya iyo dawladaha xubnaha ka ah, iyadoo la siinayo taageero muuqata oo dhanka amniga iyo sirdoonka ah si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah.
