
Tababarkan ayaa qeyb ka ah qorshaha ballaaran ee Midowga Yurub uu ku taageerayo Soomaaliya si ay u gaarto isku-filnaansho dhanka amniga ah, xilli dalka uu wajahayay kala-guur uu ku doonayo in uu si buuxda ula wareego mas’uuliyadda amniga qaranka.
Taliyaha EUTM-S, Jeneraal Marco Manzone, oo ka hadlayay munaasabadda xiritaanka tababarka, ayaa si gaar ah u bogaadiyay xirfadda iyo kartida ciidamada Soomaaliyeed, Waxa uu sidoo kale ammaanay tababarayaasha reer Yurub ee door muhiim ah ka qaatay barnaamijka.
“Dedaalka iyo niyadda ay muujiyeen ciidamada Soomaaliyeed waxay muujinayaan isbeddel dhab ah, Waxaa laga dareemayaa inay diyaar u yihiin difaaca dalkooda iyo fulinta howlgal amniyeed oo casri ah.” ayuu yiri Jeneraal Marco Manzone.
Tababarkan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda Soomaaliya ee sugidda amniga gudaha, iyadoo ciidamadu ay hadda si wanaagsan ugu tababaran yihiin inay la tacaalaan khataraha gudaha iyo kuwa gobolka, Waxa uu sidoo kale kaalin ka qaadanayaa qorshaha ATMIS ee kala-guurka ciidamada Midowga Afrika.
Midowga Yurub ayaa ballan qaaday inuu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhanka dhismaha awoodda ciidan ee waarta, taasoo ka qeyb qaadanaysa xasilloonida iyo nabadda Geeska Afrika.