14.4 C
London
Thursday, October 9, 2025

Ciidanka amniga Puntland oo gacanta ku dhigay gaari raashin u siday Daacish

- Advertisement -spot_imgspot_img
  
Isniin, Luulyo 28, 2025 (HOL) – Ciidanka Booliiska Puntland ayaa gacanta ku dhigay gaari Dhayne ah oo la sheegay inuu raashin iyo soolarada cadceedda ku shaqeeya u waday kooxda Daacish ee ku sugan togga Baallde, halkaas oo ay ku go’doonsan yihiin.

Ciidanka amniga ayaa soo bandhigay labo nin oo dhalinyaro ah iyo gaariga, kuwaas oo ay ciidamadu ku qabteen nawaaxiga halka loo yaqaano Biyo kulule oo uu dhaxeeya Boosaaso iyo Baallade.

War kooban oo ay soo saareen ciidanka ayaa lagu sheegay in raggaan ay doonayeen inay si qarsoodi ah ugu geeyaan Daacish rashinka, balse ay Ciidanka Puntland gacanta ku dhigeen.

Dhinaca kale, xogo amni oo laga helay gudaha kooxda bDaacish ayaa muujinaya in uu ka go’ay keydkii raashinka iyo dawooyinka, kaddib markii ciidamada Puntland go’doomin ka saareen jiho kasta, taasi oo keentay inay raashin ka dalbadaan magaalada Boosaaso.

Laamaha amniga ayaa sheegay in Daacish ay haatan isugu urureen saddex aag oo kala ah, Il-Abbal, Yucrin iyo Maraagade oo dhammaantood ka tirsan togga Baalade oo Bosaso u jira 20km.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).