14.4 C
London
Thursday, October 9, 2025

Bilan Bile Maxamuud oo loo magacaabay Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Isniin, Luulyo 28, 2025 (HOL) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Xoghayihii Guud ee Gobolka Banaadir, Faysal Carraale Afrax, isaga oo booskaas u magacaabay Marwo Bilan Bile Maxamuud.

Munaasabadda xil-wareejinta, oo ka dhacday Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, ayaa si rasmi ah loogu kala wareejiyay xilka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa si toos ah xilka ugu wareejiyay Marwo Bilan, isagoo uga mahadceliyay Feysal shaqadii uu soo qabtay.

Muungaab ayaa kula dardaarmay xoghayaha cusub in ay dardargeliso howlaha xafiiska, isla markaana ay hirgeliso qorshayaasha horumarineed ee muhiimka u ah Dowladda Hoose ee Xamar.

Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Wasiirro, Xildhibaanno, Agaasimayaal, iyo shaqaale kale oo ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir.

Waqti sii horeeysay, Xoghaye Faysal Carraale ayaa xaqiijiyay in xilka laga qaaday xilli uu ka qeyb galayay xaflad ka dhacday magaalada Muqdisho.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).