14.4 C
London
Thursday, October 9, 2025

Dowladda Soomaaliya oo soo iibsatay diyaarado casri ah oo ku howlgali doona magaca Somali Airlines

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Isniin, Luulyo 28, 2025 (HOL) – Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa shaacisay iney soo iibsatay laba diyaaradood oo nooceedu yahay Airbus A320, kuwaas oo ku howlgali doona magaca Shirkadda Somali Airlines.

Diyaaradahan ayaa 33 sano kadib si rasmi ah u howlgali doona mudo laba bilood gudahood ah, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Faarax Nuux, waxaana heshiiska lagu soo iibiyey diyaaradahaan maanta lagu saxiixay Xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

“Waxaan maanta heshiis kala iibsi ah la bilownay shirkad la yiraahdo Lima Air Group, waxaan ka iibinay laba diyaaradood oo ah Airbus A320. Shirkadahaas waxay howl-gelin doona muddo laba bilood ah, heshiiskaasi maanta ayuu kusoo gaba-gaboobay magaalada Muqdisho, xafiiska Ra’iisul Wasaaraha” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Faarax Nuux.

Wasiir Nuux ayaa tilmaamay in heshiiskaan maanta la saxiixay uu soo socday mudo dheer, islamarkaana uu bilow u yahay qorshe ay dowladda Soomaaliya ku soo iibsaneyso diyaarado rakaab oo casri ah si loo horumariyo Shirkadda Somali Airlines.

“Go’aanka dowladda waa in arrintaan bilow tahay, diyaaradaha waxaan u gadi doonaa oo ku xigaya laba illaa saddex kale, waxaa dooneyna in mudo kooban ay diyaaradda Somali Airlines la tartanto adeegyada caalamiga ah” ayuu yiri Wasiir Gaadiidka Duulista iyo Hawada Soomaaliya Maxamed Faarax Nuux.

Ugu dambeyntii dib u howlgalinta Shirkaddii Soomaali Airlines dhowr iyo sodan sano kadib ayaa ah mid dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed uga dhigan guul wayn.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).