13.7 C
London
Friday, October 10, 2025

Ciidanka Danab oo Dilay Sarkaal Sare oo Al-Shabaab u Qaabilsanaa Sameynta Qaraxyada

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Axad, Luulyo 27, 2025 (HOL) – Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab ee ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Durduro oo hoos taga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ee Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. 
Howlgalkan ayaa lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaasoo lagu magacaabi jiray Axmed Maxamed, balse gudaha kooxda looga yaqaanay Mascuud sida ay tabisay warbaahinta Qaranka.

Ciidamada Danab ayaa sidoo kale howlgalka ku dilay ilaalada gaarka ah ee horjoogaha, iyadoo ay saraakiisha ciidanku sheegeen in meydkiisa la soo bandhigay si shacabka deegaanka ay u arkaan natiijada hawlgallada amniga lagu sugayo.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka, Axmed Mascuud wuxuu Al shabaab u qaabilsanaa sameynta iyo aasidda qaraxyada miinooyinka ee lagu beero waddooyinka, kuwaasoo inta badan lala beegsado ciidamada dowladda iyo shacabka rayidka ah.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dagaalka joogtada ah ee ay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada Danab kula jiraan kooxda Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida guud ee dalka.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).