13.7 C
London
Friday, October 10, 2025

Dagaal Markale Ka Bilaabmay Balad-Xaawo oo Saameeyay Guryaha Dadka Rayidka ah

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Axad, Luulyo 27, 2025 (HOL) – Dagaallo cusub ayaa dib uga qarxay magaalada Balad-Xaawo, taasoo ka tirsan gobolka Gedo ee Maamulka Jubaland, Wararka la helayo ayaa sheegaya in hoobiyayaal lagu garaacay xaafado ay dad rayid ahi degan yihiin, taasoo keentay burbur soo gaaray guryaha shacabka.

Dagaalkaan ayaa walaac xooggan ka dhalisay iyadoo laga cabsi qabo khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh, iyo sidoo kale barakac ay ku qasbanaadaan qoysas badan oo ku noolaa meelaha uu dagaalku saameeyay.

Xaaladda magaalada ayaa weli kacsan, iyadoo aan weli si rasmi ah loo shaacin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka, Wararka qaar ayaa tilmaamaya in uu jiro burbur baaxad leh oo gaaray dhismayaal dad rayid ah ay degan yihiin.

Waxaa jira baaqyo ku socda dhinacyada dagaallamaya in ay joojiyaan colaadda, lana ilaaliyo nolosha dadka rayidka ah oo ku nool aagga uu dagaalku ka socdo.

Dagaalkaan ka socda Balad Xaawo ayaa u dhaxeeya Ciidamo uu hogaaminayo Cabdirashiid Janan oo taageero balaaran ka haysta Dowladda Soomaaliya iyo ciidamo daacad u ah Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Wixii warar ah ee kusoo kordha dagaalkaan wararkeeni dambe ayaan idiinkugu soo baahin doonaa.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).