13.8 C
London
Friday, October 10, 2025

Jubaland oo burburisay xarumo ay Al-shabaab baad uga qaadi jireen Beeraleeyda Jammaame

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Sabti, Luulyo 26, 2025 (HOL) – Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo lagu xaqiijinayo amniga, kaas oo ka dhacay deegaanada ku teedsan Wabiga jiinkiisa ee hoos taga Degmada Jammaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka oo si gaar ah loogu beegsaday xarumo ay kooxda Al-Shabaab si qarsoodi ah uga howlgaleysay, ayaa lagu burburiyay goobo ay kooxdaasi si sharci-darro ah uga qaadi jirtay canshuur dad beeraley ah oo ku nool deegaanka.

Sida ay sheegeen saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka, ciidamada ayaa sidoo kale burburiyay doon yar oo kooxdaasi u adeegsan jirtay inay si dhuumaalaysi ah uga gudbaan wabiga, si ay ugu gudbaan dhanka kale ee deegaanka.

“Howlgalka maanta wuxuu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo nabadgelyada deegaanka, lana beegsanayo goobaha Al shabab isku dayaan inay kaga dhibaateeyaan shacabka,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha booliska Jubbaland oo la hadlay warbaahinta.

Saraakiisha ayaa xusay in shacabka deegaanka ay si wanaagsan ula shaqeynayeen ciidamada, taas oo suurto galisay in la helo xogta saxda ah ee keentay guusha howlgalka, Waxaa sidoo kale lagu booriyay beeraleyda iyo bulshada deegaanka inay sii xoojiyaan iskaashiga ay la leeyihiin laamaha amniga.

Howlgalladan ayaa kusoo beegmaya xilli Jubbaland ay sare u qaaday dedaalkeeda ku aaddan sugidda amniga, si looga hortago dhaqdhaqaaqyada kooxda Al-Shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah Jubbada Hoose.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).