Markabkan oo lagu magacaabo Merinos Livestock (leh 2,200 tan) ayaa ka baxay dekedda Boosaaso ee Puntland, isagoo la sheegay in uu ku socday Jeddah, Sacuudi Carabiya, kahor inta uusan damin qalabkiisa raadraaca (AIS). Damiitaanka aaladdaasi ayaa la rumeysan yahay in ay sababtay in la tuhmo markabka. Warar qaar ayaa sheegaya in markabku lagu qabtay gacanta Badda ee Yemen, gaar ahaanna ay qabteen ilaalada xeebaha. Ilaa hadda kooxda Xuutiyiinta ma aysan sheegan falkaas.
Wararka ayaa sheegaya in markabku marayay meel u dhow Jasiiradaha Hanish, qiyaastii 30 mayl badeed u jirta magaalada Mocha ee Yemen. Hal doon oo alwaax ah ayaa la sheegay in ay hor istaagtay markabkan, waxaana la sheegay in rasaas fudud la isdhaafsaday. Markabka ayaa amar lagu siiyay in uu u leexdo dekedda Mocha.
Warbixintii ugu dambeysay ee la gaarsiiyay xarunta la socodka maraakiibta ganacsiga badda ee UK (UKMTO) waxay sheegtay in markabku gacanta ugu jiro ciidamada ilaalinta xeebaha Yemen.
sidoo kale wakaaladda wararka Reuters ayaa dhankeeda ku warrantay in markabka la qabtay, balse la sii daayay.