15.2 C
London
Friday, October 10, 2025

Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay Sabiid iyo Caanoole

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Sabti, Luulyo 26, 2025 (HOL) – Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay khasaaraha ka dhashay weerarkii aroornimadii hore ee Shalay kooxda Al-shabaab kusoo qaaday fariisimaha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dalka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM ku leeyihiin deegaanka Sabiid iyo Caanoole.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in ciidamada is kaashanaya ay si adag uga hortageen weerarka Al-shabaab, islamarkaana jab xoogan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-shabaab.

Warka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarka ay kooxdu kusoo qaaday Sabiid iyo Caanoole in looga  dilay ilaa 18 xubnood, iyadoo dhankeeda sheegtay in ilaa afar askari oo ka tirsan ciidanka dowladda ay ku dhinteen weerarka.

“Ciidamada Qaranka oo ku jiray heegan buuxa iyo feejignaan sare ayaa si degdeg ah uga falceliyay weerarka, waxayna ku guuleysteen inay fashiliyaan damaca maleeshiyaadka argagixisada ah iyo isku daygoodii ahaa inay gudaha u galaan deegaanka. Intii uu dagaalku socday, waxaa looga dilay 18 ka mid ah kooxda Khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay sidoo kale si buuxda u bogaadisay geesinimada iyo dhabar adayga ay muujiyeen ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee kooxda sida adag uga difaacay deegaanka Sabiid iyo Caanoole.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga oo dhameystiran:-
    

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).