Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tallaabada Faransiiska ay tahay mid muhiim ah oo xaqiijinaysa xuquuqda shacabka Falastiin ee ah inay masiirkooda ka tashadaan, ayna dhistaan dowlad madax-bannaan oo si buuxda u leedahay karaamadeeda iyo qaranimadeeda.
“Tani waa tallaabo geesinimo leh oo ku habboon waqtigan muhiimka ah, waxayna ka tarjumaysaa taageerada sii kordheysa ee beesha caalamka u muujinayso cadaaladda, nabadda, iyo xalka laba dowladood,” ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Soomaaliya waxay marar badan taageero buuxda u muujisay shacabka Falastiin iyo xaqooda ay u leeyihiin inay helaan dowlad madax-bannaan, iyadoo lagu saleynayo qaraarrada Qaramada Midoobay iyo xeerarka caalamiga ah ee arrintan khuseeya.
Go’aanka Faransiiska ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan baaqyada caalamiga ah ee ku aaddan in la helo xal waara oo ku dhisan nabad iyo is-ixtiraam, taasoo labada dhinacba (Falastiin iyo Israa’iil ) ka dhigeysa laba dowladood oo nabad kuwada nool.