
Heshiiskan oo ah mid loogu magac daray bedelka hab maamuuska dhaqan gelinta Kaalmada Maaliyadeed waxaa u saxiixay dalaka Turkiga Wasiirka Difaaca Qaranka ee dalkaas Yasar Guuleed, halka Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskan ayaa ujeedkiisu yahay in la xoojiyo iskaashiga difaaca ee labada dhinac, iyo sidii kor loogu qaadi laha tayada ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa tilmaamay in heshiiskan uu ka tarjumayo xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dal iyo sida Soomaaliya uga go’an tahay in taageerada Turkiga ay ka faa’ideysato danaheeda qaranka.
Si kastaba ha ahaatee heshiiskan cusub ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowlada Turkiga ay ka mid tahay dowladaha doorka muhiim ah ka ciyaara dib u dhiska waaxda difaaca dowladda Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Turkiga uu tababaray in ka badan 15,000 oo askar Soomaaliyeed ah tan iyo sanadkii 2017.