Qoraalka warbixinta ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay diiradda saareen is-afgarad ku saleysan “dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo xasiloonida gobolka,” iyadoo aan marna lagu xusin wax ku saabsan marin badeedka Cas ama sheegashooyin dhuleed oo Itoobiya leedahay.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa intii ay wada hadleen adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadahadalka iyo xasilloonida gobolka. Waxa uu sidoo kale ammaanay isbeddellada dhaqaale ee Itoobiya oo fursado u abuurey ganacsiga iyo maalgashiga Mareykanka.
Wararka isha lagu hayo oo kaladuwan ayaa muujinaya in Mareykanka uu dhiirrigelinayo xasilloonida gobolka Geeska Afrika, halkii uu ka taageeri lahaa ballaarinta dhuleed ama danaha xasaasiga ah ee marin badeedka Itoobiya.
Dhawaan ayay ahayd markii Dowladda Maraykanka ay sheegtay inay ka shaqeynayso sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya iyo Masar.
Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa muujiyay mahadcelin uu u jeediyay waxa uu ku tilmaamay dadaalka Trump ee ku aaddan in la gaaro heshiis caddaalad ah oo u dhexeeya Masar, Suudaan, iyo Itoobiya.