Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa ku sugan gudaha magaalada Beledxaawo, halka kuwa dowladda Federaalka ay ku sugan yihiin xerada ciidanka ee loo yaqaano xero UK oo ku taala duleedka magaaladaasi.
Shacabka ku nool degmada Baladxaawo iyo nawaaxigeeda ayaa wal wal xoogan ka qaba in markale maanta halkaasi ku dagaalamaan ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo ku loolamaya hanaanka maamul ee gobolka Gedo.
Dagaalkii Shalay ka dhacay Baladxaawo oo ahaa mid aad u xooganaa ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah oo rasaasta ugu tagtay guryajooda.
Wararka sidoo kale saakay naga soo gaaraya degmada Baladxaawo ayaa sheegaya in labada dhinac ay kala gaareen ciidamo gurmadyo u kala ah dowladda iyo Jubbaland, taasi oo sii kordhisay cabsida ay qabaan dadka ku nool magaaladaas iyo nawaaxigeeda.
Lasoco wixii kusoo kordha warkan.