14.6 C
London
Friday, October 10, 2025

Jubbaland oo ku dhawaaqday iney si buuxdo ula wareegtay magaalada Baladxaawo

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Talaado, Luulyo 22, 2025 (HOL) – Maamulka Jubbaland ayaa goordhaw ku dhawaaqay in ciidamada Jubbaland ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta xarunta maamulka degmada Beledxaawo iyo guud ahaan amaanka magaaladaas oo maanta uu ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada dowlada Fedaraalka iyo kuwa Jubbaland.

Dagaalka maanta ka dhacay gudaha magaalada Baladxaawo ayaa qarxay kadib markii maanta ay halkaasi ka dageen laba diyaaradood oo ah kuwa Khumaatiga u kaca oo ay saarnayeen saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale oo uu hoggaaminaayay Cabdirashiid Janan oo horay usoo noqday Wasiirkii amniga Jubbaland, kaaso wararku sheegayaan in loo magacaabay Taliyaha Nabadsugidda dowladda Soomaaliya ee gobolka Gedo ahna hogaanka guud ee amniga gobolkaas.

War qoraal ah oo lagu baahiyay  warbaahinta ku hadasha afka maamulka Jubbaland ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamada Jubbaland ay la wareegeen gacan ku haynta xarunta maaulka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo iyo guud ahaan magaalada.

“Guud ahaan Magaalada Baladxaawo ayaa Waxaa haatan gacanta ku haya Ciidamada Jubbaland halka gacanta lagu dhigay qaar kamid ah Maleyshiyaadkii khal-khalka galiyay Amaanka Magaalada iyadoo Ciidamada Jubbaland ay ku daba jiraan firxadka inta kale ee baxsatay oo uu qeyb ka yahay Cabdirashiid Janan Oo saaka diyaarad Ciidan ku yimid Dagmada” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Jubbaland.

Warka kasoo baxay Jubbaland laguma faahfaahin khasaaraha ka dhashay dagaalka culus ee ka dhacay gudaha magaaladaas oo ahaa mid labada dhimac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. 

Wararka hordhaca ah ee laga helayo khasaaraha ka dhashay dagaalkii maanta ayaa sheegaya iney ku dhinteen ilaa shan askari oo labada dhinac ah, islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan oo ay ku jiraan dad shacab ah.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sidoo kale sheegaya in haatan xaalada gudaha magaalada ay tahay mid degan oo aan wax rasaas ah ka dhaceyn, hayeshee waxaa jirta cabsi xoogan oo ay qabaan dadka ku nool magaaladaasi oo ku aadan in markale uu dib u qarxo dagaalka u dhaxeeya ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda Fedaraalka. 

Lasoco wixii kusoo kordha warkaan. 

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).