15.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Diyaarad Helicopter ah oo ku burburtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img
Arbaco, Luulyo 2, 2025 (HOL) – Diyaarad nooceedu yahay tan qumaatiga u kacda ee loo yaqaano Helicopter ayaa goordhaw ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde magaalada Muqdisho. 

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa warbaahinta u sheegay in diyaaradda ay si lama filaan ah u soo dhacday, iyadoona marka ay soo dhaceysay ay sidoo kale sameysay jug aad u xoogan oo laga maqlay qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in diyaarada burburkeeda uu yimid kadib markii uu ka kacay dab xooggan, taasoo sababtay iney gubato guud ahaan diyaarada.

Qiica iyo uurada diyaarada burburtay ayaa laga arkaayay hawada meelo badan oo ka mid ah magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee Wali si rasmi ah looma oga khasaara ka dhashay diyaaradaan Helicopter ka ah ee ku burburtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

La soco wixii kusoo kordha warkaan. 

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).