16.6 C
London
Saturday, October 11, 2025

Raysal Wasaare Xamse oo maanta kulan la qaatay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, Luulyo 19, 2025 (HOL) – Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya Cabdalla Cuteybi.

Kulanka dhexmaray Raysal wasaaraha iyo Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista xiriirka dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga ee Soomaaliya kala dhaxaya dalalka ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta.

Xamse Cabdi Barre ayaa Danjiraha la wadaagay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya guulaha ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dib u dhiska dhaqaalaha, horumarinta siyaasadda iyo xasillinta amniga guud ee dalka.

Danjire Cabdalla Cuteybi ayaa dhankiisa u sheegay Raysal wasaare Xamse in dhawan wafdi heer sare ah oo ka socda dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta soo booqan doonaan Soomaaliya, si ay uga fuliyaan mashaariic horumarineed.

Wuxuu sidoo kale xusay Danjire Cabdalla in Soomaaliya sanadahii dambe ay door muuqda ka ciyaarayso arimaha la xariira horumarinta iskaashiga wadamada xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta

Ugu dambeyntii kulankan ayaa qeyb ka ah dadaalada dowlada Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso iney ku xoojiso xiriirrada diblomaasiyadeed iyo iskaashi ee kala dhexeeya Ururada iyo dowladaha gobolka.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).