
Agaasimaha ayaa sheegay in shirkan uu xooga saarayo xoojinta xiriirka ka dhexeeya shacabka labada dal, kobcinta ganacsiga iyo dhaqaalaha, horumarinta waxbarashada, caafimaadka, xirfadaha dhalinyarada, iyo iskaashiga la xiriira sugidda amniga iyo wadajirka gobolka.
“Wadahadalladan waxay diiradda saari doonaan sidii loo dardargelin lahaa iskaashiga dhabta ah ee labada shacab, Waxaan eegaynaa mustaqbalka guud ee labada dal oo ku saleysan rajo, horumar iyo nabad,” ayuu yiri Agaasime Fatiir.
Dhinaca Itoobiya waxaa shirka furay Agaasimaha Guud ee Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Zerihun Abebe, oo sheegay in shirkan uu fure u yahay wajiga labaad ee iskaashi wax ku ool ah oo dhex mara labada dowladood.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in labada dal ay ka wada hadlayaan fursado cusub oo ay ka mid yihiin ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, shaqo abuurka, xirfadaha dhalinyarada, iyo duulimaadyada rayidka, Shirkaan ayaa si qoto dheer u lafaguraya qodobo dhowr ah oo saldhig u ah wada-shaqeynta labada dhinac, sida: Siyaasadda iyo Amniga, Ganacsiga iyo Maalgashiga, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Warbaahinta iyo Is-dhexgalka bulshada, Waxbarashada iyo Caafimaadka iyo Adeegyada Duulista iyo Hawada.