
“Sharaf weyn bay noo tahay in aan martigelinno shirka sanadlaha ah ee EASF, annagoo guddoon u ah sanadkan, Tani waxay muujineysaa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka gobolka Afrikada Bari,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Wasiirka ayaa sidoo kale iftiimiyay caqabadaha ba’an ee amni ee ka jira gobolka, kuwaasoo ay kamid yihiin argagixisada, xagjirnimada, isbeddelka cimilada, iyo qalalaasaha siyaasadeed, Wuxuu ugu baaqay waddamada xubnaha ka ah EASF in ay iska kaashadaan sidii si wadajir ah loogu wajihi lahaa caqabadahaas, iyadoo la mideysan yahay.
Intii uu khudbaddiisa jeedinayay, Wasiir Fiqi wuxuu muujiyay kalsoonida uu ku qabo talooyinkii kasoo baxay shirarkii hore, isagoo xusay in kulanka maanta uu yahay mid muhiim ah oo lagu ansixinayo qorshayaal saameyn leh oo lagu horumarinayo geeddi-socodka EASF.
Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa bogaadiyay doorka Xoghaynta EASF iyo waddamada xubnaha ka ah, isaga oo xusay dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan nabad ilaalinta iyo xasilinta gobolka, Wuxuu sidoo kale si gaar ah ugu mahadceliyay waddamada xubnaha ka ah AUSSOM, kuwaasoo si hagar la’aan ah u garab taagnaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan waqtiyadii adkaa.
Shirkan ayaa lagu wadaa in uu yeesho natiijooyin la taaban karo oo ku saabsan qorshayaasha difaaca, horumarinta iskaashiga iyo xoojinta awoodda Ciidamada Heeganka ee gobolka, iyadoo la rajeynayo in go’aannada kasoo baxa ay horseedi doonaan amni iyo xasillooni dheeraad ah oo ka hana qaada gobolka Geeska Afrika.