Dagaalkaan ayaa lasoo wariyay inuu ahaa mid aad xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Wali si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaal beeleedkaan saakay ka dhacay deegaanka Meerisis inta uu dhan yahay, maadaama isgaarsiinta deegaankaas hawada ka maqan tahay.
Dagaalkaan saakay qarxay ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalintii shalay afarta qof oo xoolo dhaqato aheyd lagu dilay deegaanka Tuke gaw oo ku dhow goobta uu saakay ka dhacay dagaalka.
Ugu dambeyntii ma jirto wax faahfaahin ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Galgaduud oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaal beeleedka saakay ka dhacay deegaanka Meersis ee gobolka Galgaduud.