
Warbixin laga dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa daaha ka rogtay baaxadda saameynta abaarta, oo saameysay dad iyo duunyo ba.
“Waa waajib qaran in aan si deg deg ah ugu gurmano walaalaheenna tabaaleysan. Waxaan farayaa dhammaan hey’adaha dowladda ee khuseeya in ay si dhaqso leh uga jawaabaan xaaladdan bini’aadantinimo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo hey’adaha caalamiga ah in ay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaartu saameysay, iyagoo sheegay in is-kaashi bulsho iyo mid caalami ahba uu lagama maarmaan yahay si wax looga qabto xaaladdan adag.
Intii uu kulanka socday, Golaha Wasiirrada ayaa hambalyo u diray Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, oo ku guuleystay abaalmarinta Wasiirka Maaliyadda ugu wanaagsan Qaaradda Afrika, taas oo lagu ammaanay dadaallada dib-u-habeynta maaliyadda ee dalka.
Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ay la galeen dowladda Turkiga, kaas oo diiradda saaraya iskaashiga dhinacyada shaqada, shaqo-abuurka, iyo horumarinta xirfadaha shaqaalaha Soomaaliyeed.