
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga tacsiyaysay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in dhacdadaasi ay ahayd mid murugo leh, isla markaana ay dowladda aad uga xuntahay khasaaraha dhacay.
Wasaaradda ayaa tacsi u dirtay qoysaska dadkii ku dhintay, waxaana Alle looga baryay caafimaad buuxa dadka dhaawacmay.
Wasaaradda waxay si cad ugu baaqday dhinacyada ku lugta leh rabshadaha in ay joojiyaan dagaalka, halka bulshada deegaanka loogu baaqay in ay nabadda ilaashadaan oo ay ka shaqeeyaan xasilloonida.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ugu yeertay isimada dhaqanka, culimada iyo waxgaradka in ay degdeg u dhexgalaan oo ay ka shaqeeyaan sidii xiisadda loo xallin lahaa loogana hortagi lahaa in colaaddu sii socoto.
