10 C
London
Sunday, October 12, 2025

Horjooge ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Isniin, Luulyo 14, 2025 (HOL) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee kumaandoska Danab ayaa howlgal qorsheysnaa ku dilay mid ka mid ah horjoogeyaasha kooxda Al-shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Kumaandooska Danab ayaa howlgalka si gaar ah uga fuliyay deegaanka Toratorow ku dilay amiirkii kooxda u qaabilsana dhanka Zakakawaatka, kaasoo lagu magacaabi jiray Cabdulaahi Maxamed oo kooxda looga dhex yaqiinay Carab.

Warsaxafadeed kaso baxay Taliska ciidanka Kumaandooska Danab ayaa lagu sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid guuleystay oo u dhacay sidii ay u qorsheeyeen ciidanka Kumaandooska Danab.

“Inta howlgalkan uu socdey ciidanka kummandoska danab gaar ahaan specialka danab waxay burburiyeen moota uu watey, waxay kaloo gacanta ku soo dhigeen ciidanka lacag fara badan iyo boonooyinkii uu ku baadi jirey shacabka deegaanka Toratorow”ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka kasoo baxay Taliska ciidanka Danab.

Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo deegaanada dhaca gobolka Shabeellaha Hoose mudooyinkii dambe ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan ay kordhiyeen howlgalada ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan deegaanada gobolkaas.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).