
Munaasabadda lagu qabtay magaalada Jowhar ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe), xubno sare oo ka tirsan GMDQS, iyo mas’uuliyiin kale oo heer gobol ah.
Daah-furkan ayaa qeyb ka ah dadaallada GMDQS ay ugu jirto hirgelinta hannaan doorasho oo xor ah, hufan, loona siman yahay, iyadoo diiwaangelintu ay tahay tallaabada ugu horreysa ee muwaadiniintu ay kaga qeyb qaadan karaan doorashooyinka dalka ka dhici doona.
Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa khudbadiisa ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay ka qeybgalka shacabka ee ololahan, Wuxuu ugu baaqay dhammaan shacabka Hirshabelle in ay si firfircoon isku diiwaangeliyaan si ay u helaan xuquuqda codbixinta, una gutaan waajibaadkooda muwaadinimo, waxaana uu noqday mas’uulkii ugu horeeyay ee qaatay kaarka codbixinta.