10 C
London
Sunday, October 12, 2025

Shirweynaha dhamaystirka dhismaha SSC Khaatumo oo la filayo inuu goordhaw ka furmo Laascaanood

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Axad, Luulyo 13, 2025 (HOL) – Waxaa maanta oo Axad ah lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool shirweynaha dhamaystirka dhismaha maamulka SSC Khaatumo.

Shirkaan la filayo inuu furmo goordhaw oo manata ah ayaa imaanaya, iyadoo lagu guuleystay in xal laga gaaro khilaafkii xoogana maalmahan ka taagnaa siduu u furmi lahaa shirkaan lagu dhameystirayo dhismaha maamul goboleedka Khaatumo.

Shirkan ayaa diirada lagu saaraya hirgelinta hanaanka maamulka, dejinta habraacyo sharciyeed iyo diyaarinta dariiq loo maro dhismaha dastuurka maamulka cusub ee SSC Khaatumo.

Amaanka guud ee magaalada Laascaanood ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, waxana wadooyinka waa weyn iyo goobta uu ka furmayo shirka la dhigay ciidamo aad u fara badan, kuwaas oo sugaya amaanka goobta shirka ka dhacayo.

Si kastaba ha ahaate shirweynahaan maanta furmi doono ayaa ka mid ah jadwal ay horay u dajisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, kaasoo lagu doonayo in geedi socodka dhismaha maamulka SSC Khaatumo lagu soo gabagabeeyo inta lagu guda jiro bishaan July ee 2025.

Ugu dambeyntii bulshada SSC Khaatumo iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayaa maanta isha ku wada hayo natiijada ka soo bixi doonto shirkaan la filayo inuu maanta ka furmo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyadoo ay xusid mudan tahay in isimada deegaanadaas u kala jabeen laba garab oo kala taageersan hoggaanka maamulka SSC iyo kuwo taabacsan siyaasiyiinta iyo musharrixiinta Mucaaradka ah.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).