13.2 C
London
Sunday, October 12, 2025

Macawiisleeyda Hiiraan oo howlgal qorsheysanaa ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Sabti, Luulyo 12, 2025 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howgal qorsheysnaa oo ciidanka Macwisleeyda gobolka Hiiraan ka fuliyeen fariisin kooxda Al-shabaab ku laheyd deegaanka Dhurwaale ee gobolka Hiiraan.

Howlgalkaan oo dhacay galinkii dambe ee Shalay ayaa lagu dilay ilaa Lix xubnood oo ka mid ahaa Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku suganaa deegaanka Dhurwaale oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Halgan.

Ciidanka Macawiisleeyda ee howlgalkaan fuliyay ayaa sidoo kale la sheegay iney kooxda ka furteen qoryahii ay wateen xubnaha Al-shabaab ka tirsanaa ee howlgalka lagu dilay.

Sarkaal ka tirsan ciidankaan howlgalka fuliyay ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid ay mudo qorsheynayeen, islamarkaana uu noqday mid u dhacay sidii ay ugu talo galeen.

Howlgalkaan khasaaraha lagu gaarsiiyay Al-shabaab ayaa kusoo aadaya, iyadoo kooxdu Isniintii lasoo dhaafay weerar qaraxyo Ismiidaamin ah ku bilaawday kula wareegtay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).