15.8 C
London
Sunday, October 12, 2025

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Arbaco, Luulyo 9, 2025 (HOL) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, kaas oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, Kulanka ayaa lagu ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka, ka dib markii ay soo jeedisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Guddigan cusub oo ka kooban 15 xubnood, ayaa loo xulay si hufan, caddaalad ah, iyagoo dhammaantood ah aqoonyahanno leh karti iyo khibrad sare oo la xiriirta waxbarashada iyo maamulka, Ujeeddada guddigani waa in ay hormariyaan tayada iyo nidaamka tacliinta sare ee dalka.
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa si weyn u bogaadisay ansaxinta Golaha Wasiirada ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ee Xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka.

Guddigan oo xeer ahaan ku dhisan Sharciga Tacliinta Sare . ee Qaranka ee soo baxay Disember 2024kii, waxa ay hawshiisu tahay in uu hoggaamiyo, maamulo, islamarkaana hago Hay’adaha Tacliinta Sare ee dalka, si waafaqsan Sharciga Tacliinta Sare.

Geeddisocodka xulista xubnaha Guddiga ayaa soo maray heerar kala duwan, Mas’uuliyiinta loo xilsaaray xulista Guddiga oo ka ambaqaadaya shuruudaha iyo halbeegyada sharciyeed ee loo dajiyay xubinnimada Guddiga, ayaa si hufnaan, caddaalad iyo madaxbannaani leh u eegay dhammaan codsiyadii la soo diray, iyada oo si gaar ah ay diiradda u saarayeen aqoonta, kartida iyo waaya-aragnimada musharixiintii soo dalbaday kamidnoqoshada xubnaha Guddiga ayaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada.
Xubnaha Guddiga Tacliinta Sare:-

 1.⁠ ⁠ Dr Cabdinuur Sheekh Maxamuud Guddoomiyaha Guddiga.
 2.⁠ ⁠Dr. Maxamed Cali Faarax Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga.
 3.⁠ ⁠Dr. Ayaan Sh. Cabdullaahi Maxamed Xubin.
 4.⁠ ⁠Dr. Axmed Adam Maxamed Xubin.
5.  Dr. Roble Ibrahim Liban Xubin.
 6.⁠ ⁠Dr. Cabdulqaadir Cabdulle Cibaar Xubin.
 7.⁠ ⁠Dr. Cabdishakuur Sh. Xasan (Fiqi) Xubin.
8.  Dr. Cabdullaahi Maxamuud Shariif Xubin.
 9.⁠ ⁠Dr. Cabdiwahab Ali Mumin Xubin.
10.  Dr. Cismaan Maxamed Cabdiraxman Xubin.
11.⁠ ⁠Dr. Faysal Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xubin.
12.⁠ ⁠Dr. Maxamed Macallin Abdullahi Kutub Xubin.
13.⁠ ⁠Dr. Maxamad Ibraahim Nuur Xubin.
14.⁠ ⁠Dr. Maxaamuud Yusuf Garre Xubin.
15.⁠ ⁠Dr. Nadiifa Sheekh Cumar Xubin.
- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).