14.7 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Duqa Muqdisho oo Maqaamka Caasimadda kala hadlay Gudoomiyaha Golaha Shacabka

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Khamiis, January 9, 2025 (HOL) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Maxamed Axmed Amiir, ayaa kala hadlay meel marinta Gudoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe Maqaamka Caasimadda iyo sidii bulshada Gobolka Banaadir ay u heli lahaayeen matalaad siyaasi ah oo la mid ah Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. 

Duqa Muqdisho ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga warbixiyay qorsheyaasha hortabinta u leh Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar oo ay ugu horeyso qabsoomida doorashooyinka Goloyaasha Deegaanka.

Gudoomiye Amiir ayaa ka codsaday Gudoomiyaha Golaha Shacabka sidii uu Baarlamaanka u meel marin lahaa cutubyada Dastuurka ee ku xusan Maqaamka Caasimadda iyo Matalaada Siyaasadeed ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir
Maxamed Axmed Amiir ugu hambalyeeyay xilka guddoomiyanimo isaga oo kula dardaarmay inuu
xooga saaro sidii shacabka caasimadda ay u heli lahaayeen adeegyada ay
xaqa u leeyihiin oo ay dowladda uga baahanyihiin.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta sheegay in dhowaan ay soo saari doonaan Jadwalka guud ee doorashooyinka dalka ayna qaban doonaan Doorasho Qof iyo Cod oo Gole degaan lagu dhisaayo.
- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).