14.7 C
London
Monday, October 6, 2025

Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo Maanta meel mariyay Xeer Muhiim ah

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Khamiis, January 9, 2025 (HOL) – Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa kulankooda Khamiislaha ahaa maanta ku ansixiyay wax ka badal lagu sameeyay xeer muhiim ah oo ay dhawaan soo gudbisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya.

Kulanka Golaha oo uu shir guddoomiyay Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Wasiiraddu waxay si aqlabiyad leh u meel mariyeen wax ka beddelka Xeerka Habka Ciqaabta iyo Siyaasadda Qaran ee Dhismaha Machadka Sare ee Tababarka iyo horumarinta Sharciga.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Dastuirka Xasan Macallin ayaa Golaha uga  mahadceliyay sida aqlabiyada leh oo ay u meel mariyeen wax ka beddelka lagu sameeyay Xeerkaan.

Waxaa sidoo kale shirka Golaha Wasiirada lagu soo bandhigay warbixino kala duwan oo la xiriirra, horumarka laga sameeyay dhanka diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah, Amniga, Dhaqaalaha iyo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda gudaha dalka.

Ugu dambeyntii Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maalin walba oo Khamiis ah isugu yimaada kulan ay diiradda ku saarayaan xaalada guud ee dalka iyo wax qabadka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).