14.7 C
London
Monday, October 6, 2025

Soomaaliya oo shaacisay inay u tartamayso kursiga Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Khamiis, January 9, 2025 (HOL) – Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqday inay u tartamayso kursiga Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AU PSC).

Dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaantay tartankan mid ku saleysan sinnaanta iyo ka-qaybgalka istiraatiijiyada nabadda ee Afrika, sida lagu xusay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Qoraalka Wasaaradda ayaa si rasmi ah u caddeeyay musharaxnimada Soomaaliya ee kursiga Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee muddo-xileedka 2025–2028.

“Muhiimadda uu kursigan u leeyahay Soomaaliya waa in ay door muuqda ka qaadato ajendaha nabadda iyo ammaanka ee Afrika, taas oo ka tarjumeysa safarkeeda dib-u-habaynta iyo sida ay uga go’an tahay mabaadi’da Pan-Africanism,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Codsiga Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu gudbiyay Midowga Afrika, balse weli lama shaacin dalalka kale ee kula tartamaya Soomaaliya kursigan.

Si kaste ha ahaatee, Soomaaliya ayaa horey uga tanaasushay tartanka hoggaaminta Midowga Afrika, taas beddelkeed waxay kursi aan joogto ahayn ka heshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).