14.7 C
London
Monday, October 6, 2025

Puntland oo beenisay war kasoo baxay hay’adda maaraynta musiibooyinka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Khamiis, January 9, 2025 (HOL) – Maamulka Puntland ayaa si cad u beeniyay war kasoo baxay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliya (SODMA), kaasoo sheegayay in magaalada Boosaaso ay hay’addu gaarsiisay 200 tan oo gargaar raashin ah oo loogu talagalay dadka deegaanka.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Puntland, Ubax Cabdirashiid Xirsi, ayaa sheegtay in aysan jirin wax raashin ah oo uga yimid dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiir Ubax ayaa tilmaamtay in Puntland ay horay u go’aansatay in si gaar ah loogu qoondeeyo gargaarka ka imaanaya caalamka, iyadoo aan loo soo marsiin dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiirka ayaa ku baaqday in hay’adda SODMA ay caddeyso sheegashada ku saabsan raashinka la gaarsiiyay Puntland. Waxay ku celisay in maamulka Puntland uu xaqiijin doono in deeqaha la siiyo dadka u baahan lagu maamulo si hufan oo mas’uuliyad leh.

Hay’adda SODMA ayaa maalintii shalay shaacisay inay magaalada Boosaaso geeyeen gargaar dhan 200 tan oo raashin ah oo loogu talo galay dadka tabaalaysan.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).