14.7 C
London
Monday, October 6, 2025

Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo Al-shabaab kala wareegay deegaano dhowr ah oo ku yaala Hiiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Khamiis, January 9, 2025 (HOL) – Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaano dhowr ah oo la sheegay in kooxda Al-shabaab si dhuumaaleysi ah ku imaan jireen, kuwaas oo ka tirsan gobolka Hiiraan

Deegaanadaan ayaa waxaa ka mid ah Beera yabaal, Jiciboow, Biya madoobe, Arooso iyo deegaano kale oo dhaca Jiinka Wabiga Shabeelle oo dhamaantood ku yaala inta u dhaxeysa degmooyinka Buula burte iyo Halgan  ee gobolka Hiiraan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegeen in howlgalada ay kula wareegeen deegaanadan khasaare xoog leh ku gaarsiyeen kooxda Al-shabaab, islamarkaana ay u dhaceen sidii loo qorsheeyey.

Xubnaha Al-shabaab ayaa dooman kaga soo gudba Wabiga Shabeelle dhanka Galbeedka gobolka Hiiraan oo wali kooxdu ku xoogan tahay, iyagoona si dhuumaaleysiga ah ku imaan jiray deegaanadaan lagala wareegay saacadahii lasoo dhaafay.

Howlgaladaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo inta badan gobolada dalka oo dhan ay ka socdaan diyaar garow loogu jiro dagaalo ka dhan ah kooxda oo looga xoreynayo goobaha ay weli ka joogaan gudaha dalka.

Ugu dambeyntii deegaanada dhaca bariga gobolka Hiiraan ayaa ah deegaanadii ugu horeeyay ee uu ka bilaawday kacdoonka ka dhanka ah Alshabaab, waxaana haatan gobolkaas ka socdo abaabul kooxda looga xureynayo Galbeedkiisa oo ay Baledweyne ka wadaan Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).