
Xaflad uu goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ka dhacday Hotelka Ambassador ee magaalada Hargaysa ayaa liisanada lagu guddoonsiiyay madaxda xisbiyada.
“Madaxweynaha ayaa ugu horayn boggaadiyey Guddida Diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta Asxaabta Qaranka shaqada culus iyo dedaalka weyn ee ay sidii uu u guulaysan lahaa hannaanka sharciga ah ee ay kusoo baxayeen ururadii siyaasada ee xaqqa u yeeshay inay tartamaan” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay madaxtooyada.
Madaxweynaha ayaa sidookale boggaadiyay Guddida Doorashooyinka oo masuulka ahaa doorashooyinkii isku sidkana ee sida nabada ah kusoo dhamaaday, oo ay kusoo baxeen saddexda xisbi ee maanta shahaadooyinka la guddoonsiiyay.
Doorashada ururada oo ay ku tartameen 7 urur siyaasadeed oo cusub iyo saddexdii xisbi ee hore ee Kulmiye, Waddani iyo UCID, ayaa waxa ku guulaystay Waddani, Kulmiye iyo Kaah oo badalay xisbigii UCID oo doorashooyinka lagaga guulaystay.