16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Maraykanka oo ka hadlay weerar duqayn ah oo lagu dilay 10 ka mid ah Alshabaab

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Arbaco, January 8, 2025 (HOL) – Howlgalka Africom ayaa shaaciyay in weerar dhinaca cirka ah oo ay codsatay dowladda Soomaaliya lagu dilay 10 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Beer Xaani oo 35 km waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo, Jubbada Hoose.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarkaan oo dhacay Dec. 31, 2024, uu ahaa isdifaacid wadajir ah oo Mareykanka iyo Soomaaliya ay ka fuliyeen goobtaas, iyadoo sidoo kale ciidamada Mareykanka ay gacan ka siiyeen ciidamada Soomaaliya daad-gureynta askartii la weeraray.

Africom ayaa sidoo kale shaacisay in Dec. 24, 2024, duqeyn kale lagu dilay Maxamed Mire, oo ahaa hoggaamiye sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa gobollada 15-kii sano ee la soo dhaafay.

Mire, oo loo yaqaanay Abuu Cabdiraxmaan, ayaa Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxay sannadkii 2022 u aqoonsatay argagixiso caalami ah.

Taliyaha Africom, Gen. Michael Langley, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weli tahay khatar caalami ah, taasoo Mareykanku kula dagaallamayo iyada oo lala kaashanayo waddamada gobolka si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).