
Askariga la dilay oo lagu magacaabi jiray Buux Ismaciil Mirre, ayaa markii la dilay kasoo baxay Jaamacadda Timada Cadde ee magaalada Gabilay, oo uu wax ka baran jiray isla markaana uu imtaxaan ku lahaa.
Cabdi yusuf, oo ay isku fasal ahaayeen ayaa sheegay in uu baabuurkiisa kusii qaaday abaaro 4:30 galabnimo, si ay u galaan imtaxaanka, kadibna ay kasoo baxeen 5:30 galabnimo, lakiin Buux aanu soo raacin oo uu u sheegay in uu soo lugaynayo kadibna la dilay intii uu dhexda soo socday.
“Waxa uu u sheegay midka mid ah ardayda in ay nin bajaajle ah islaayeen, isla markaaana uu doonayay in uu xidho lakiin uu wakhtiga imtaxaanku kasoo gaadhay” ayuu yidhi Furre.
Ninka askariga dilay ayaa isla markiiba goobta ka baxsaday, waxaana ku raadjooga Ciidamada Booliiska Gobolka Gabilay.