Bayaanka xildhibaanadaan ay soo saaren waxa ay ku yiraahdeen “Waxaanu si adag u cambaaraynaynaa go’aanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu xiray gacansade shisheeye oo lagu magacaabo Abu-Yasir dhoofinta xoolaha Soomaaliyeed, ninkaas oo ah nin ajnabiga ah, oo taariikh madow ku leh gudaha Soomaaliya, ganacsato badan oo Soomaaliyeedna hore u dhacay deggana dalka Jabouti”.
Mudanayaashan ayaa ku andacoonaya in go’aankan uu wiiqayo ganacsigii gudaha, uuna khatar weyn ku yahay madax-bannaanida dhaqaalaha Soomaaliya.
Dhoofinta xooluhu waa tiir muhiim u ah dhaqaalaha Soomaaliya, waxayna si weyn uga qayb qaataan maciishada iyo dakhliga Qaranka.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan wasaarada Xanaanada Xoolaha ayaan jawaab ka bixinin eedeynta culus ee kasoo yeertay mudanayaashani.
Arintaan ayaa ku soo beegmaya xilli xasaasi ah oo ay Soomaaliya doonayso inay dib u dhisto dhaqaalaheeda iyadoo ay jiraan caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni.

