20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

Maamulka Qoryooleey oo ka walaacsan rag ka tirsan Al shabaab oo dhib ku haaya Degmada

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Isniin, January 6, 2025 (HOL) – Maamulka Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay jiraan Dagaalamayaal kasoo goostay Al-Shabaab oo bilihii lasoo dhaafay ku biirayay ciidamada kusugan Degmadaasi, taasoo walaac xooggan ku beertay mas’uuliyiinta deegaanka.

Gudoomiyaha Degmada Qoryooley Maxamed Xaaji Cismaan Shigshigow, ayaa arrintan warbaahinta maxaliga ah u xaqiijiyay, wuxuuna tilmaamay “kaarka qabiilka” inay tahay istaraatiijiyad muhiim ah oo ay adeegsadaan kooxaha argagixsada si ay u dhexgalaan ciidanka.”.

Hadalkaan uu ula jeeday inay jiraan Koox Al shabaab oo sheegatay inay soo goosteen haddana qalqal galin amaanka kawada Degmada.

Maxamed Xaaji Waxa uu ku booriyay shacabka iyo laamaha amaankaba in ay feejignaan dheeri ah ka muujiyaan hababka cusub ay hadda Al shabaab ay bulshada kusoo dhex galayaan.

Mas’uulkaan ayaa ku eedeeyay rag kasoo goostay Al shabaab inay ka dambeeyeen weerar qarax bam oo ka dhacay habeeno ka hor Degmada Qoryooleey oo ay ku dhinteen 3 Qof lix kalana ay ku dhaawacmeen.

Shigshigow ayaa tilmaamay inay ragaan aysan helin dhaqancelin ama aan laasiinin warqad rasmi ah oo Dowladda kasoo baxday inay isasoo dhiibeen ah, waxa uu shaaca ka qaaday inay qabiil ahaan ku joogaan Degmada balse mabda’ ahaan ay wali ka tirsan yihiin Al shabaab.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).