20.1 C
London
Monday, October 6, 2025

Farmaajo oo Dowladda Fedaraalka ugu baaqay in Puntland lagu garab istaago dagaalka Daacish

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, January 5, 2025 (HOL) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa bogaadiyay Howlgalka ay ciidamada ammaanka Puntland ay ku qaadeen Kooxda Daacishta Soomaaliya, waxaana uu ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa halganka guud ee lagaga sifeynayo dalka argagixisada.

Bayaan uu soo saaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya waxa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed oo idil in ay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada, garab istaagna u muujiyaan ciidamada, kana fogaadaan dagaallada sokeeye.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay garab istaagaan howlgalka ciidamada ammaanka Puntland ay ku sifeynayaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Daacish.
Ugu dambeeyn waxa uu ku amaanay Puntland inay muujiyeen isku duubnida ku aaddan howlgalkan ka dhanka ah Daacish waxaana uu guul u rajeeyay ciidamada ammaanka Puntland ee hoggaaminaya howlgalkaan.

Todobaadkii lasoo dhaafay Puntland ayaa ka taqalustay 12 ajaaniib oo Daacish ah kuwaasi oo weerar Qaraxyo ku bilowday ku qaaday saldhig ay Ciidamada kusugnaayeen.
    

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).