
Adeegyada ay guddigan khubarrada ah ay qiimeynta ku sameeyeen ayaa ka kala dhacaya gudaha Dalka Soomaaliya iyo Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya inta lagu guda jiro u diyaar garowga gudashada waajibaadka Xajka.
Wasaaradda waxa ay shaacisay in Guud ahaan markii la isku geeyay kharashaadka adeegyada Xajka ee gudaha Sacuudiga iyo sidoo kale gudaha Dalkeena, in Qiimaha lacageed ee sanadkan Xaajiga/Xaajiyada Soomaaliyeed uu ku xajinayo/so $4,604 (Afar kun lix boqol iyo afar doolar).
Waxaana Wasaaradda ay amartay in dhammaan shirkadaha adeegyada xajka ku guuleystay inay sidaas u fuliyaan bayaanka kasoo baxay Wasaaradda.
Ugu dambeyn waxa ay Wasaaradda ku micneeysay kororka qiimaha sanadkan, marka loo eego sanadkii hore waxaa u sabab ah, isbedel ku yimid sicirka tikitka iyo hoteelada.