16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Mareykanka oo $28 Milyan ku taageeraya dadaallada adkeysiga iyo amniga cuntada ee Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, January 4, 2025 (HOL) – Mareykanka ayaa ku dhawaaqay 28 milyan oo doolar oo dheeri ah oo lagu taageerayo barnaamijyada adkeysiga degdega ah iyo kuwa muddada dheer ee Soomaaliya.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Rechard H.Riley ayaa daaha ka qaaday hindisahan mar uu shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, isagoo carrabka ku adkeeyay in ujeedka arintaani ay tahay si kor loogu qaado sugnaanta cuntada iyo xasilloonida dhaqaalaha.

Maalgelintaan waxay taageeri doontaa laba mashruuc oo waaweyn oo shan sano  socon doona.

Midka kowaad wuxuu diiradda saarayaa hab-nololeed waara, iyadoo la siinayo tababaro iyo agabka beeraha, maareynta xoolaha, iyo horumarinta ganacsiga yaryar si ay uga faa’iideystaan ​​in ka badan 80,000 qoys, ama ku dhawaad ​​500,000 shakhsi.

Mashruuca labaad waxa uu kor u qaadayaa xoojinta dhaqaalaha iyada oo loo marayo helitaanka maalgelinta yar yar, ka caawinta bulshooyinka si loo yareeyo jahawareerka dhinaca dhaqaalaha ka haysta.

Danjire Riley ayaa iftiimiyay baahida muhiimka ah ee loo qabo dadaallada dib u dhiska ee dalka ay aafeeyeen abaaro, colaado, iyo cunto yari.

Mashruucyadaan, oo ay kormeerto USAID, ayaa waxaa la marsiin doonaa dowladaha hoose, NGO-yada, iyo ururada bulshada si wax looga qabto baahiyaha gobolka loona hubiyo fulin wax ku ool ah.

Hindisahani waxa uu ka tarjumayaa isbeddelka siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan kobcinta xasilloonida mustaqbalka fog ee Geeska Afrika.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).