16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Shil sababay dhimashada sadax ruux oo ka dhacay duuleedka magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Sabti, January 4, 2025 (HOL) – Inta la xaqiijiyay ilaa sadax ruux ayaa ku geeriyootay shil gaari oo Xalay ka dhacay wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo deegaanka Jasiira.

Gaari shilka galay oo ahaa nooca raaxada ah ayaa waxaa ku dhintay dhamaan dadkii saarna oo ka koobna sadax ruux oo kala ahaa laba gabdhood iyo darawalkii gaariga waday oo la sheegay inuu ahaa askari ka tirsana ciidanka dowladda Fedaraalka.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in shilka gaariga uu dhacay, iyadoo gaariga uu ku socday Xawaare sare taasoo keentay inuu jidka ka baxo gaariga oo uu guud ahaantiisa burburo.

Goobjoogayaasha waxay sidoo kale sheegeen in gaariga shilka galay uu tartan kula jiray gaari kale oo ay wateen rag kaloo dhalinyaro ahaa oo ka yimid deegaanka Jasiira ee duuleedka magaalada Muqdisho.

Shilkaan khasaaraha dhimashada leh sababay ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalinta Jimcaha ah ay dadweyne badan u damaashaad tagaan xeebta deegaanka Jasiira.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).