
Warmurtiyeedka shirka ayaa lagu caddeeyey in labada beelood ay go’aansadeen inay la wareegaan gacan ku haynta magaalada Ceerigaabo. “Laga bilaabo taariikhda maanta, labada beelood waxay si wadajir ah isugu taageen difaaca iyo soo celinta degmada Ceerigaabo,” ayaa lagu yidhi bayaanka shirka.
Sidoo kale, shirka ayaa lagu go’aamiyey in la magacaabo 21 xubnood oo fulin doona go’aannada shirka iyo in magaca Harti lagu galo dagaalka lagaga soo horjeedo Somaliland oo 30 kii sanno ee u danbaysay gacanta ku haysay Ceerigaabo.
