13.4 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Wararkii ugu dambeeyay dagaalo culus oo maanta ka dhacay gobolka Hiiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Khamiis, January 30, 2025 (HOL) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada deegaanka ayaa gabal dhacii maanta si rasmi ah ula wareegay deegaanka Jiciboow ee gobolka Hiiraan, kadib dagaal qaraar oo halkaasi ay kula galeen kooxda Al-shabaab.

Dagaalo saacado badan qaatay ayaa maanta ka dhacay deegaanka Jiciboow oo kooxda Al-shabaab maalmahii lasoo dhaafay u aheyd fariisin muhiima ah, maadama deegaankaan uu ku yaalo jiinka Wabiga Shabeelle.

Ciidamada iskaashanaya ayaa si awood ah kooxda Al-shabaab uga saaray godad waa weyn oo ay qoteen hareeraha wabiga Shabeelle ee deegaanka Jiciboow oo ay kooxda kaga soo gudbi jirtay Wabiga Shabeelle dhanka Galbeed ee gobolka Hiiraan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka difaaca deegaanka oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in jab xoogan dagaaladii maanta lagu gaarsiiyay Al-shabaab, islamarkaana khasaaraha meydadka kooxda ay soo bandhigi doonaan saacadaha soo socda.

Si kastaba ha ahaatee ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa  howlgalo balaaran ka wada afartii maalmood ee lasoo dhaafay deegaanada ku yaala Bariga gobolka Hiiraan ee u dhaxeeya magaalooyinka Halgan iyo Buula burte.

Ugu dambeyntii deegaanada kala ah Beero yabaal, Bur Abooto, Eega Galmaay, Jidcilaan, Cadoow Gureey iyo Jiciboow ayaa ah dhamaan deegaanadii ugu dambeeyay ee Al-shabaab laga xureeyay afartii maalmood ee lasoo dhaafay.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).