11.7 C
London
Monday, October 6, 2025

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo maanta soo gaarey magaalada Godey ee Dowlad Degaanka Soomaalida

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, January 3, 2025 (HOL) – Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiyi Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaadhay magaalada Godey ee dowlad Degaanka Soomaalida, Wafdigan ayaa waxaa Godey kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar iyo masuuliyiin kamid ah xukuumaddiisa.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa la sheegay inuu Godey u yimid si uu usoo indha-indheeyo mashaariicaha kala duwan ee ka socda gobolka Shabeelle qaarkoodna la dhammaystiray, sida mashruuca waraabka galbeedka Godey oo dib u habayn iyo dayatrir ay ku samaysay Dowladda Fadaralka Itoobiya.

Haddaba Ra’iisal Wasaare Abiyi Axmed ayaa xadhiga kajaray mashruuca waraabka galbeedka Godey ee degmada Beercaano oo ay ku baxday lacag ku dhow 3 Bilyan oo Birrta Itoobiya ah, waana dhul beereed dhan ilaa 10 kun oo Hiktar, hadda waxaa calaf kala duwan lagu beerey dhul gaaraya ilaa 3 kun oo Hiktar, waxyaabaha ugu muhiimsan ee dhulkaas laga beeray waxaa kamid ah Masagada, Qamadida, Galleyda, iyo Khudaarta noocyadeeda kala duwan.

Faahfaahino kale lagama helin socdaalka Abiyi Axmed ee Dowlad Degaanka Soomaalida gaar ahaan magaalada Godey oo galinkii hore ee maanta uu joogay, iyadoo wararka kale een helayno ay sheegayaan in galinka dambe ee maanta la filayo inuu Abiyi Axmed yimaaddo magaalada Jigjiga.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).