
Tallaabadaan waxa ay timid kadib Shirar heerar kala duwan soo maray, misna muddo soo socday oo ay wada yeesheen Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda iyo Ururada Dhaqaatiirta iyo Cusbitaalada Dalka, waxaana maanta si rasmi ah ay natiijo wax ku ool ah uga soo baxday, iyadoona looga dhawaaqay in laga dhaafay Cashuuraha iibka adeegyada Caafimaad ee Cusbitaalada iyo Rugaha bixiya adeegyada daryeelka caafimaadka.
Wasiirka ayaa sheegay in tani ay Muwaadiniinta ka fududeeyn doonto in ay sida ugu jaban ay ku heli doonaan adeega caafimaad taasna ay keentay in ay ka dhaafaan xarumaha caafimaadka Canshuurtii horey loogu soo rogay.
Dhinaca kale dhaqaatiirtii kulanka goobjooga ka aheyd ayaa dhan kooda xaqiijiyay wada-shaqeynta Wasaaradda iyo u adeegidda bulshada in ay tiir u tahay horumarka bulshada Soomaaliyeed.