
Sida ay baahisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Finland, Wasiirka Arrimaha Gudaha dalkaas, Mari Rantanen, oo safar ku tagtay Soomaaliya 21-ka bishan, ayaa qorshahan kala hadashay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdillaahi Sh. Ismaaciil.
“Finland waxay rabtaa inay horumariso iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya, waana mahadinaynaa xidhiidhka iskaashi ee soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeya. Finland waxay danaynaysaa in la sameeyo qorshe wax ku ool ah oo dadka dib loogu soo celinayo, iskaashigana kaas lagu dhiso,” ayay tidhi Wasiir Rantanen.
Waxay sheegtay in Soomaaliya iyo Finland ay hore iskaga kaashan jireen la dagaallanka argagixisada iyo maaraynta dhibaatooyinka, laakiin Finland ay dhawaan joojisay taageerada, soo celinteedana ay shardi u tahay in Soomaaliya ay kala shaqayso barnaamijka lagu soo celinayo dadka sharciga aan haysan ee ku dhaqan Finland.
Dowladda Maraykanka ayaa iyaduna hakad galisay taageero malaayiin dollar ah oo ay Soomaaliya siin jirtay, iyada oo dhanka kale kumanaan Soomaali ah oo sharci darro ku jooga Maraykanka la rajaynayo in dib loo soo celiyo.